| Bogga Hoyga
Rayiga Ciyaaraha Farshaxan Nala soo Xidhiidh News in Audio BBC:11:00-11:10 BBC:14:00-15:00 BBC:16:00-16:15 BBC:18:00-18:30 Audio Links Radio SCERDO Radio laascaanood Radio Warsan Radio Sahan Radio Sagal Radio Qaran Holland Radio Radio Sweden Listen or Read Quran IslamicCity Somali Links Aftahan.com AllPuntland Banadir Biyo kulule Buuhoodle Net Garowe online Hiiraan Laascaanood Marka Caddey Nugaal Net SCERDO.com Somaliland SomaaliNet Somalitalk Somalia News Togdheer UN-Somalia WaamoNet Widhwidh online World Countries.net Newslinks
Somalia Weather
|
Dhiibo rayigaaga - Your opinion counts BAAQ KU SOCDA UMMADA SOOMAALIYEED Soomaaliya waxay qarka u saarantahay meel haddaan hadda wax laga qaban aan Soomaalidu kasoo kaban doonin Qarniyaal. Sababtaas awgeed ayaa waxay bilawday barnaamij ku jihaysan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto. Barnaamijkaas oo ah mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan u furan. Si dhexdhexaad ahna uga hadlaya xaqiiqada jirta iyo khasaarooyinka ku soo fool leh Soomaaliya haddii aan laga gaashaaman. Yoolka ugu weyn ee qorayaasha higsanayaan waa badbaadada jiilka cusub iyo kuwa soo socda. Ilaah ayaa wax badbaadiya. Waxaa laynooka baahanyahay ficil. Dhammaan dhallinyarada da'da yar ee hadda ku dhaqan Soomaaliya mahelin waxbarasho rasmi ah. Waxayna muddo dheer kusoo dhexjireen goob colaadeed. Taasi waxay kuu muujineysaa in khasaare aad u ballaarani halkaas kasoo socdo. Waxaan dhumineynaa jiil, waxaa taasi sababeysaa in aan kaharno dhammaan adduunka intiisa kale. Waxaa burburay dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida kaas oo kusalysnaa diinta Islaamka. Taasi waa dhibaato u baahan xalkeeda. Waxaa burburay aqoontii iyo kaydkii ummadda u dhexeeyey. Waxaana adag kasoo kabashada arrimahaas. Soomaalidu waxay ahaan jireen dad aad u xeeldheer oo fekerkoodu sarreeyo, waxayna ahaan jireen dad firfircoon oo kadhiidhiya waxyaabaha khasaarada maguuraanka ah sababi kara. Waxaana habboon in markale ay Soomaalidu dib u soo celiso arrimihii wanaagsanaa ee lagu aqoonjirey. Waxay u muuqataa in dhibaatada badankeeda ay sabab u tahay Soomaalida oo ka tagtay asalkii. Waxaan asalka uga jeedaa diinta rasmiga ah ee Islaamka. Soomaalidu waxay soo tijaabisey xeerar badan. Haddii xeerarkaas aan wax kaxusno waxaa kamida: Diimoqraadiyadda, shuuciyadda, xeerka qoyska, iyo dawlad la'aan. Waxaa u dhiman in ay tijaabiso diinta Islaamka. Waana midda keliya ee Soomaalidu ku badbaadi karto. Waxaan kusoo gabagaynayaa aan niyadsami u qaadano asalka, colaadii horena ku beddello wanaag. Arrintaas iney suurta galtahay waxaad tusaale u soo qaadataa labadii qabiil ee dagaalka aadka u darani kadhexeeyey ee Aws iyo Khasraj markii ay qaateen diinta islaamka waxaa Ilaah dhexdhigay nabad iyo barwaaqo. Waxaana ugu baaqayaa qofkasta oo Soomaali ah in uu ka qayb qaato dib u dhiska waddanka si niyad ah Baaqan waxa soo saaray:
Saxaafadda Xorta ah Sanadkii 1991 wixii ka danbeeyey ayey aheyd soo ifbixidii saxaafada xorta ah ee dalkeena Soomaaliya, waxayna aheyd arrin dad badan ay u bogayeen in la arko saxaafada xor ah oo bulshada u adeegto siday doontaba warka haku heshee, balse dhibaatada jirta ayaa aheyd in dadka la gaarsiiyo warar aan xaqiiqda ku saleysneyn. Waxaanse qabaa saxaafada xorta ah oo aan cidna koontaroolin ayaa keentay ama aan dhihi karaa waxay kaalin ka qaadanayeen hurinta khilaafyada bulshada u dhaxeeyey 14kii sano ee aan ka soo gudubnay iyagoo hadba qorayay ama tabinayay warar aan la xaqeejinin, waxaanse qabaa dhibaatada iminka na heysata ayaaba waxaa aabe u ahaa saxaafada xorta ah oo meelo badan oo wadanka ka tirsan ka hana qaaday mudooyinkaan dambe kuwaas oo isugu jiray wargeys & raadiyayaal FM ah Iyadoo la eegayo danta dhaqaale iyo tan helista magac iyo maamuus ayaa arrimo badan oo bulshada dan u ahaa la laaday ama ciida lagu daray iyadoo saxaafada aan dhihi karo waxay arrimahaas ku gacan siiyeen raga bulshada dhibaatada la dooney. Saxaafadda xorta ah laf ahaanteeda waxa ay fiirsaneysay danteeda qaaska ah, waxayna caado u lahaayeen in ay labada dhinac ee khilaafka soo kala dhex galay ay midkood la saftaan iyagoo hadba dantooda gaarka ah fiirinayo waxaase aniga in muda ahba yaab iigu filnaa ka hadal la'aanta shacbiga oo saxaafada dhagarteeda fahmi la', waxaanse mararka qaarkood ku dhawaadaa in aan Zanaawi ku taageero inuu is hortaago saxaafada xorta ah in ay ka jirto dalkiisa, balse waxaan aaminsanahay in dimoqraadiyada casriga aysan taa qabin. Tusaale waxaa kuugu filan dhacdo ka dhacday mid ka mid ah Iadaacadaha FM-ka ah ee ka furan qaar ka tirsan magaalooyinka Soomaaliya, taasoo shaqaalihii raadiyaha ay u kala jabeen labo dhinac waxayna la kala safteen labo garab oo isboorti ah oo khilaaf soo kala dhex galay iyadoo markii dambe ay idaacada dhexdeeda Haddaba aqristoow waxaan anigu u arkaa in saxaafada dalkeena ay u baahan tahay in la dhiso aqoontooda iyo heerka war qabadkooda si loo helo xoq dhab ah oo maaquul ah waxaase is weydiin mudan ilaa iyo intee ayey socon doonaan warakaan leyska qoro oo ku saleysan oo kaliya wax uun qor ama sheeg si laguu maqlo ama laguu aqristo. Haddaba waxaan ku gaba gabeynayaa qoraalkeyka
maanta in saxaafada ay door weyn ka cayaarto hurinta colaadaha taagan ha
ahaato wargeys ilaa idaacadaha.
Maxamed Shaqale
|
![]()
|
Contact: webmaster@radiobuuhoodle.com
Copyright © 2005 radiobuuhoodle.com,
All rights reserved